Maamulka Puntland oo ka hadlay xoolo sucuudigu dalkiisa ka soo celiyay.

Dowlada Sacuudiga ayaa dib u soo celiyay xoolo laga dhoofiyay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, xoolahaasi oo ay lahaayeen Ganacsato ka soo jeeda degaanada Puntland.
Markabkii xoolahaan siday oo lagu magacabo Alafa ayaa waxaa saarnaa 27,000 neef oo Arri ah, loo waday dalka Sacuudiga.
Wasiirka Xanaanada iyo Xoolaha maamulka Puntland ayaa sheegay in xoolahaan loogu tala galay Ciidul Adxaa.
Wuxuuna intaasi ku daray sida ay maqleen in xoolahaan laga helay cudurka rifti Vallay, sidaasi darteedna loo soo celiyay, Markabka sidana la filayo inuu sabtida berri ah ku soo xirto Dekada magaalo xeebeeda Boosaaso,wasiirka ayaana intaas ku daray inay rumaysan yihiin inuusan jirin wax cudur ah oo xoolahaasi ay qaban maadaama ka hor inta aan la rarin baaritaano la marsiiyo.
Dowladda Sacuudiga wali kama aysan hadlin sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in dib loo soo celiyo xoolahaan nool ee ganacsatada Soomaaliyeed ay leeyihiin.
Sida la ogyahay sanadkasta marka ay soo dhawaato ciidul adxa ayaa waxaa dalka Sucuudiga loo dhoofiyaa kumanaan ka mid ah xoolaha Soomaalida,horay ayayna dowlada Sucuudigu xayiraad u saartay xoolihii ay dalka Soomaaliya ka soo dhooafin jirtay wallow ay dhawaan ka qaaday.
Xoolahaan hada la soo celiyay ayaana ah kuwii ugu horeeyay ee kadib xayiraadaas loo dhoofiyo dalka Sacuudiga.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *