Barcelona oo Guul Dirqi ah ka Gaartay Real Valladolid

Barcelona ayaa guul dhib badan ka gaartay kooxda ku cusub La Liga ee Real Valladolid kaddib markii waqtigii dheeriga oo laga diiday gool barbaraha oo lagu go’aamiyay aalada VAR.
Waxaa sanadkan horyaalka La Liga laga isticmalayaa VAR waxayna meesha ka saartay gool uu madax ku dhaliyay laacibka Keko kasoo ahaa offside.
Hasa ahaate Go’aankaas ayaa u diiday kooxda Valladolid dhibicdooda labaad ee kulankii xalay.
Ousmane Dembele ayaa u dhaliyay Barcelona gool kaliya ay guusha ku gaareen qeybtii lbaad ee dheesha kaddib kubbad uu kasoo shaqeeyay laacibka Sergi Roberto.
Luis Suarez ayaa sido kale laga diiday gool markii uu offside ku jiray iyadoo ay cayaarta ka dhiman tahay 10 daqiiqo.
Goolhayaha Jordi Masip ayaa sameeyay labada badbaadin oo aan caadi aheyn kuwasoo ka yimid xiddiga Suarez iyo Philippe Coutinho ka hor nasiinada kulanka.
Barcelona ayaa guul ku bilaabatay difaacashada horyaalka iyadoo kulankii furitaanka 3-0 kaga badiyay Alaves asbuucii hore waxayna u tahay fursad weyn guusha ay ka gaareen Valladolid –oo xagaagii hore ku dhameystay kaalinta shanaad ee horyaalka labaad Spain.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *