Booliska oo xiray 25 qof oo ajaniib ah

Dowlada dhexe ayaa bilowday howlgalo lagu musaafurinayo dadka ajaniibta ah ee wadanka ku joogo sida sharci darrada ah.
Arrintan ayaa imaanaysa kadib markii dowlada gaar ahaan waaxda socdaalka ay u qabatay muddo laba bilood ah oo ay ku soo bandhigayaan dokumeentiyada laga doonayo.
Ilaa iyo hadda waxay wararku sheegayaan in la xiray 25 qof oo aanan Kenyaan ahayn kuwaasi baaritaano lagu sameyn doono.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa jimcihii amar ku bixiyay in laamaha amaanka ay bilaabaan howlgalo ka dhan ah cid waliba oo aan haysan ogolaanshiyo shaqo.
Wasiirka ayaa isla maalinkaasi sheegay in wadanka laga musaafuriyay 60 ka mid ah maamulayaasha sar sare ee maqaaxiyadaha maadama la ogaaday in wadanka ay dalxiis u yimadeen.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in howlgalada bilowday ay soconayaan ilaa iyo saddex bilood.
Sido kale waxaa uu sheegay in shaqada laga ceyriyay ilaa iyo 28 sarkaal oo ka howlgalayay waaxda socdaalka ee dalka maadaama lagu eedeyay falal aanan wanaagasanayn.
Dr.Matiang’i ayaa shacabka Kenyaanka ah ku wargeliyay in dowlada ay maalgelin ballaran ku sameynayso teknoolojiyada si baasaboorada iyo ogolaanshiyaha shaqo looga qaato dowlad degaanada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *