DHAGEYSO Guddoomiyaha Mombasa oo ku baaqay in dowlada lagu tageero la dagaalanka musuqmaasuqa

Barasaabka ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta Cali Xassan Joho ayaa shacabka iyo siyaasiyiinta Kenyaanka ah ugu baaqay inay dowlada kala shaqeyaan dagaalka ay kula jirto falalka musuqmaasuqa.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in la tacaalidda wax isdaba marinada kala duwan aysan mas’uuliyad ka saarneen oo keliya madaxweynaha dalka iyo hoggaamiyaha mucaaradka.

Hadalkan ayuu jeediyay xili uu ku sugnaa ismaamulka Samburu halkaasi oo uu uga qeyb galay xaflad lacag aruurin ah.
Guddoomiyaha ismaamulka Mombasa Cali Xassan Joho oo horay ka mid ahaa siyaasiyiinta si weyn u dhaliila waxqabadka dowlada ayaa dhawaan sheegay inuu la shaqeynayo maamulka talada haya ee jubilee.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *