DHAGEYSO Gudiga adeega Garsoorka Soomaaliya oo la soo dhisayo.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in la dhisayo golaha adeegga Garsoorka Soomaaliya oo meesha ka amqnaa ilaa sanadkii 2015-kii xiligaas oo la kala diray golihii garsoorka.
Waxaa uu sheegay in shaqooyinka adeegga Garsoorka ay muhiim u yihiin guud ahaan nolosha Bulshada, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto sidii loo helaa Golaha adeeggga Garsoorka oo ay tayadoodu wanaagsan tahay lehna xirfad dhamaystiran oo ay bulshada ugu adeegi karaan.
Qorshaha dib u habeynta garsoorka ayuu sheegay inay qeyb ka tahay waxyaabaha hormarka dalka ka qayb qaadanaya dowladuna ay doonayso inay hirgaliso.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Baashe Yusuf ayaa sidoo kale sheegay in maxkamadda sare ay u sii shaqeyn doonto sidii maxkamadda Dastuuriga, haddii ay dhacdo in la isku qabto qodobo dastuurka kamid ah, inta laga soo dhisayo maxkamada Dastuuriga.

Bishii Maarso ee sanadkii 2015 ayuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu kala diray guddigii adeegga garsoorka qaranka Soomaaliyeed, waxaana xilligaas qaadacay kala diristaasi Golihii adeegga Garsoorka wallow ilaa waqtigaas aan la soo dhisin gudiga garsoorka Soomaaliya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *