Human Rights Watch oo sheegtay in ISIS ay haysato in ka badan 27 qof oo u dhashay Suuriya

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Huma Rights Watch ayaa sheegtay in ugu yaraan 27 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Suuriya carruurna u badan ay weli ku jiraan gacanta kooxda la magacbaxday khilaafada islaamiga ee ISIS.
Warbixin ay hay’addan soo saartay ayay ku sheegtay in dadkaasi lagu haysto saxaraha Sweida ee koonfurta Suuriya.
Dadka ay ISIS afduubatay ayaa ugu yaraan 16 ka mid ah carruur yihiin waxayna ka tirsanyihiin dadka laga tirada badanyahay ee Druze.
Human Rights Watch oo soo xiganaysa goob joogayaal iyo ehelada la haystayaasha ayaa sheegtay in carruurta ay da’a ahaan u dhexeyaan 7 ilaa iyo 15 .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *