Shirkadda IPSOS oo difaacday darasaad ay dhawaan soo saartay

Shirkadda sameysa darasaadka iyo cilmi baarista ee IPSOS ayaa difaacday warbixin ay dhawaan soo saartay oo ku saabsanayd musuqmaasuqa.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Willaim Ruto iyo barasaabka ismaamulka Kirinnyaga Anne Waiguru ayaa ka mid ah mas’uuliyinta ay shirkaddan la xiriirisay musuqmaasuqa.
Hasa ahaate waxay iska fogeyeen eedeymaha loo soo jeediyay iyagoo dhanka kale IPSOS ku dhaliilay inay meel marinayso dano iyo ajeendayaal siyasadeed.
Tom Wolf oo ah fallanqeeye sare oo ka tirsan shirkadda IPSOS ayaa dhankiisa sheegay inaysan halis gelin karin sumcadda caalamiga ah ee ay leeyihiin iyagoo sida lagu eedeyay u adeegaya siyaasiyiin jago doon ah.
IPSOS oo lagu eedeyay inay dadweynaha darasaadka ka qeyb qaatay weydiisay su’aalo si gaar ah loo soo xulay ayaa taasi beenisay.
Toddobaadka soo socdo ayay wararku sheegayaan in shirkaddan ay soo saari doonto cilmi baaris ku saabsan heerka dhaqaale iyo nidaamka dowlad wadaajinta ee dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *