Wasiirka qorshaynta Soomaaliya oo magacaabay xoghayaha joogtada ee wasaaradiis.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta,maalgashiga iyo hormarinta dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed ayaa Magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta sidoo kale wuxuu xilka qaadis ku sameeyay masuulkii horay u ahaa agaasimada wasaarada qorshaynta Soomaaliya.
Wasiirka Jamaal ayaa sameeyay Magacaabistii ugu horreysay tan iyo Markii 21-kii bishii maarso ee sanadkiii 2017-kii loo magacaabay inuu noqdo wasiirka wasaarada qorshaynta,maalgashiga iyo hormarinta dahqaalaha dowlada Soomaaliya.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta ayaa loo magacaabay C/qaadir Axmed Warsame, waxaana xilkaas horay u hayay oo laga qaaday Cabdi Diirshe.
Waxaa uu sidoo kale Agaasime u magacaabay Asad Yuusuf Afrax oo ahaa La Taliyaha wasiirka qorshaynta, waxaana booska loo magacaabay horay u hayay C/qaadir Axmed Warsame oo Xoghayaha Joogtada Wasaaradda hada laga dhigay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *