5 Burcad ah oo lagu dilay xaafadda Dandora ee Nairobi

Ciidamada amaanka ee ismaamulka Nairobi ayaa xaafadda Dandora   ku dilay 5 qof oo ay ku sheegeen inay ka tirsanyihiin koox burcad ah oo dhac u geysata  hantida dadweyanaha.

Howlgal ay sarakiisha  booliska  fuliyeen  arroornimadoo hore ee saaka ayay sido kale ku sheegeen  inay ku soo heleen  hub dhowr ah.

Hubka ay ciidamada gacanta ku soo dhigeen  waxaa ka mid ah saddex bastooladood halka sido kale  goobtaasi laga helay nooca daroogada ee loo yaqaano xashiishka.

Waxay wararku intaasi ku darayaan in burcadda lagu toogtay  meel u dhow qashin qubka  xaafadda Dandora oo ay ku dhuumaleysanayeen.

Taliyaha saldhiga booliska ee xaafadda  Buruburu  Mr.Geoffrey Mayiek,  ayaa sheegay inay howlgal sameyeen kadib markii ay macluumaad ka heleen  dadweynaha.

Sarakiisha amaanka ayaa hadda  raadinaya eedeysane kale  oo la sheegay inuu goobta ka baxsaday.

 

 

 

 

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *