Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo Qof Rayid Ah Ku Dilay Bartamaha Magaalada Beledweyne.

Askari ka tirsan ciidamada Booliis-ka dowladda Soomaaliya ayaa bartamaha magaalada Beledweyne toogasho ku dilay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Yaasiin Cali Saney oo wadde ka ahaa mid ka mid ah gaadiidka Bajaaj-ka ee ka dhax shaqeeya magaalada.

Askarigan ayaa la sheegay in si ula kac ah uu rasaas ugu furay marxuumka oo markii danbe dhaawac halis ah oo ka soo gaaray rasaasta ugu geeriyooday Isbitaalka magaalada Beledweyne.

Marxuum-ka dhintay Yaasiin Cali Saney ayaa ayaa qof siweyn looga garanayay magaalada, waxaana uu waaya-dii ugu danbeeyay ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj.

Ciidamada ayaa la sheegay in markii danbe ay qabteen askariga toogashada geystay oo hadda ku jira gacanta laamaha amniga sida ay inoo sheegeen saraakiil aynu xiriir la sameynay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *