Bam La Riday Dagaalkii Labaad Ee Adduunka Oo Daad Gurayn Baaxad Leh Horseeday.

Magaalo ku taalo wadanka Jarmalka ayaa muddo lix sac ah laga daadgureeyay dadka si loo xaqiijiyo in lakala furfuro oo la qaado bam toddobaadkan horraantiisii la helay oo la adeegsaday dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Dad lagu qiyaasay 18,500 oo ruux ayaa laga daad gureeyay Ludwigshafen oo ku taalla bartamaha dalka Jarmalka.
Bamkan oo hawada laga soo riday, culayskeeda lagu sheegay 500kg, ayaa waxaa helay shaqaale dhismo.
Jarmalka waxaa wali ku jira bambooyin aan qarxin kuwaas oo ay soo rideen xulafadii Nazi-ga ka dhanka ahayd.
Maamulka magaalada ayaa sawirka bamka soo dhigay barta aya ku leeyhiin Twitter-ka.
Waxaa la rumaysan yahay in Maraykanku uu bamkaas soo ganay intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Bishii Sabtembar ee 2017kii Frankfurt ayaa laga daad gureeyay 70,000 ka dib markii magaalada laga helay bam ay Britain soo gantay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Boosteejada tareenka ee ugu wayn magaalada Baarliin ayaa dad laga daad gureeyay kadib markii shaqaale dhismo ay heleen bam 500kg ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *