Barcelona oo dooneysa inay la soo wareegto Maxamed Saalax

Kooxda reer Spain ee Barcelon ayaa bogg gaar ah ku qoratay xidiga kooxda Liverpool ee Maxamed Saalax.
Barcelona ayaa u aragtaa laacibkan ninka kaliya ee dhaxli kara booska xidigooda ee Lionel Messi.
Kooxda catalan ayaa wiilka reer Masar ka dhiganeysa bartilmaameedkeeda 2019.
Wargeyska Don Balon ayaa baahiyay in Barca ay Maxamed u aragto badelka Kabtankooda Lionel Messi oo iminka 31 jir ah.
Maxamed Saalax ayaa kamid ah weeraryahannada loogu cabsi badan yahay Yurub labadii sano ee la soo dhaafay.
Waxaana si aad ah u doonayaa kooxaha waa weyn oo u arka laacibkan inuu wax weyn ka badali kara hadii ay iibsadaan.
Barca ma ahan oo kaliya in Maxamed Saalax ay u aragto badelka Messi ee sidoo kale waxay u arkaan inuu caawin karo xiddiga reer Argentina kaddib walaaca laga qabo qaab ciyaareedka Luis Suarez.
Kooxda ka dhisan Catalonia ayaa sidoo kale xiiseynaysa da,yarkii ugu fiicnaa koobka adduunka ee Kylian Mbappe, laakiin waxaa la sheegayaa in Barca ay qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo saxiixa Saalax xagaaga 2019.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *