DHAGEYSO Senetarka Nairobi oo ka hadlay arrimo dhowr oo la xiriira hoggaanka

Senetarka dowlad degaanka Nairobi Mr. Johnson Sakaja ayaa sheegay in ku xigeenka barasaabka ismaamulka oo aan weli la soo magacaabin ay tahay caqabad dhanka hoggaanka ah.
Waxaa uu sido kale hoosta ka xariiqay in bilooyinkii la soo dhaafay isbedel laga dareemay caasimadda dalka hasa ahaate weli ay jiraan arrimo aanan la xalin oo u baahan in laga wada hadlo.
Sido kale Mr. Sakaja ayaa ku nuuxnuuxsaday inay lagama maarmaan tahay wadashaqeynta mas’uuliyiinta la soo doortay gaar ahaan guddoomiyaash maamul goboleedyada iyo senetarada oo ay shaqadoodu tahay inay kormeer ku sameyaan waxqabadka ismaamulada.
Mr. Sakaja ayaa dhanka kale faahfaahin ka bixiyay qaar ka mid ah waxyaabihii ilaa iyo hadda uu u qabtay dadweynihii soo doortay 8-dii bishii sideedaad ee sannadkii hore.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *