DHAGEYSO Xildhibaan soo jeediyay in xubnaha guddiga IEBC la kala diro

Mudanaha laga soo doortay degaanka Emuhaya ee ismaamulka Vihiga Mr. Omboko Milemba ayaa soo jeediyay in baarlamaanka uu kala diro guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay in sarakiil cusub la soo magacaabo si kenyaanka ay ugu kalsoonadaan.
Sido kale waxaa uu si adag uga hadlay oo uu ka soo horjeestay tallabadii qaar ka mid ah xubnaha IEBC ee horay shaqadoodu isaga casilay ay maalmo ka hor dib ugu laabteen xarunta dhexe ee guddiga taasi oo uu ku micneeyay mid aanan munaasab ahayn.

Jimcihii la soo dhaafay ayay ahayd markii ay xafiisyadooda dib ugu laabtay laba ka mid ah sarakiil ka tirsanaa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC oo xilalkii ay hayeen iska casilay bishii afaraad ee sannadkan.
Sarakiishan ayaa kala ah guddoomiye ku xigeenkii guddiga doorashooyinka Mrs.Connie Nkatha iyo Margaret Mwachanya oo ka mid ah sarakiisha sar sare ee IEBC.
Agaasimaha isgaarsiinta ee guddiga IEBC Andrew Limo ayaa sheegay in labadaasi sarkaal ay halkaasi tageen si ay ula kulmaan Mr. Wafula Chebukati oo guddomiye ah.
Mr.Paul Kurgat oo isna isla bishii afaraad iscasilay ayaa la filaya inuu toddobaadkan gudihiisa tago xarunta dhexe ee IEBC ee magaaladatani Nairobi.
10-kii bishan sideedaad ayay maxkamada sare ee dalka go’aamisay in tallabadii ay mas’uuliyiintan xafiisyada ku banneyeen aysan ahayn mid sharci ah sidaasi awgeedna waxba kama jiraan ay tahay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *