Qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho oo saakay xiran

Ciidamada Amaanka Ayaa Xiray Waddooyin Ku Yaala Magaalada Muqdisho, Kuwaasi Oo Loo Diiday Inay Adeegsadaan Gaadiidka Dadweynaha Magalada, Muqdisho Ayaa Saakay Ku Waabariistay Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo Xiray Wadooyinka Muhiimka Ah Qaarkood Ee Magalada Muqdisho.

Wadooyinka Xiran Ayaa Waxaa Ka Mid Ah Wadada Ka Timaada Dhinaca Shaqaalaha Ee Soo Aada Xamarweyne,Isgoyska Jubba,Taalada Daljirka Iyo Wadooyin Kale Oo Muhiim U Ah Isku-Socodka Dadka Iyo Gaadiidka.

Ciidamada Ayaa U Diidaya Gaadiidka Noocyadiisa Kala Duwan Inay Wadooyinkaas Isticmaalaan Marka Laga Reebo Kuwa Ay Wataan Ciidamada Iyo Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Laamaha Amniga Soomaaaliya Weli Wax Faah Faahin Ah Kama Bixin Sababta Ka Dambeysa Xernaanshaha Wadooyinka Qaar Ee Maanta ,Balse Warar Soo Baxaya Ayaa Waxa Ay Sheegayaan In La Xiriirta Dhinaca Amniga.

Sidoo Kale Waddooyinka Qaar Ee Xiran Ayaa Lagu Arkayaa Ciidamo Wata Dareeska Lagu Yaqaanay Ciidamada Xasilinta Oo Horey Looga Xareeyay Magaalada Muqdisho.

Ma Jirin Askari Boolis Ah Oo Taagnaa Dhamaan Waddooyinka Xiran, Maadaama Horey Loo Sheegay In Amaanka Magaalada Muqdisho Lagu Wareejiyay Ciidamada Booliska.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *