Theresa May Oo markii ugu horeysay Booqasho Ku Imaneysa Qaaradda Afrika.

Ra’isal wasaarah Dalka Ingiriiska Theresa May,Ayaa Booqasho Ku Imaneysa Qaaradda Afrika Markii Ugu Horreysay tan iyo markii ay xilkaasi qabatay.

Mrs May Ayaa Sheegtay In Ay Tahay Fursad Gaar Ah Oo Ku Soo Aadday Waqti Gaar Ah Islamarkaana Ay Booqaneyso Dalalka Ay Sida Dhow Saaxiibka U Yihiin Ee Ku Yaalla Afrika.

Booqashadeeda Waxaa Ay Ka Billaabi Doontaa Talaadada Berri Ah Dalka Koofur Afrika,Waxaa Ay Tagi Doontaa Nigeria,Waxaana Ku Xiga Dalka Kenya.

Booqashada Safarkeeda Kenya Ayaa Lagu Sheegay In Ay La Xiriirta Amniga Gaar Ahaan In Madaxda Dalka Kenya Ay Kala Hadasho Ciidanka Ingiriiska Ee Kenya U Jooga Ee La Dagaallanka Al-Shabaab.

Ciidamada Ingiriiska Ee Jooga Kenya Ayaa Dowladdaas Ka Caawiya Dagaalka Ka Dhanka Ah Al-Shabab Ee Ka Socda Gudaha Dalka Kenya Iyo Gudaha Dalka Soomaaliya.

Madaxda Dalka Nigeria Ayey Kala Hadli Doontaa Amaanka Gaar Ahaanna Dagaalka Ka Dhanka Ah Ururka Boko Haram Ee Ka Dagaallama Dalka Nigeria.

Guud Ahaan Booqashada May Ee Afrika Ayaa Lagu Sheegay In Ay Ku Dooneyso Taageerada Waddamada Afrika Gaar Ahaan Qorshaha Iyada Ay Wadato Ee Ka Bixitaanka Ingriiska Ee Midowga Europe Loona Yaqaan Brexite.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *