Tirada dadka u dhintay Ebola ee Kongo oo sii badatay

Waxaa sara u sii kacday tirada dadka ee ilaa iyo hadda jamhuuriyada dimuqaradiyada Kongo ee DRC ugu dhintay caabuqa Ebola taasi oo gaartay ugu yaraan 67 qof.
Mid ka mid ah kormeerayaasha wasaaradda caafimaadka ee Kongo oo lagu magacaabo Dr Alfred Longi, ayaa sheegay ilaa iyo hadda la soo tabiyay 105 kiis.
Dhacdooyinka Ebola ayaa si gaar ah u saameeyay gobolada kala ah Ituri ee bariga iyo waqooyiga Kivu.
Sido kale waxaa isbitaalada yaala oo xaaladooda caafimaad lala tacaalaya 27 qof oo cudurkan uu soo ritay.
Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa dhankeeda dowlada wadankaasi ku amaantay dadaalada ay waddo ee ay wax uga qabanayso cudurka ku soo noqnoqday.
Wasaaradda caafimaadka ee jamhuuriyada dimuqaradiyada Kongo ee DRC ayaa koowdii bishan shaaca ka qaaday in markii tobnaad tan iyo sannadkii 1976-dii uu Ebola ka dilaacay Kongo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *