Tirakoob tijaabo ah oo laga sameynayo ismaamulada qaar

Waaxda qaran ee dowlada dhexe u qaabilsan aruurinta iyo keydinta macluumaadka ee (KNBS) ayaa xariga ka jartay barnaamij tijaabo ah oo tirakoob lagu sameynayo.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo sannadkan soo socdo ee 2019-ka uu qorshuhu yahay in la qabto tirakoob qaran.
Hasa ahaate maamul goboleedyada lagu tijaabin doono barnaamijkan ayaa kala ah Nairobi, Kwale, Kilifi, Makueni, Nyeri, Tharaka-Nithi, Mandera, galbeedka Pokot, Kericho, Busia, Kisumu iyo Kisii.
Agaasimaha guud ee waaxda KNBS Zachary Mwangi ayaa sheegay in tijaabada ay soconayso ilaa iyo 31-da bishan sideedaad oo ku beegan maalinka jimcada ah.
Waxaa uu mas’uulkan intaasi ku daray in la howlgeliyay 380 sarkaal oo barnaamijkan fulinaya, iskuduwayaal iyo 71 kormeerayaal ah.
Tirakoobka qaran ee sannadka dambe ayaa waxaa qarash ahaan lagu maareyn doonaa qiyaastii 18.5 bilyan oo shilin.
Mr .Mwangi oo bishii labaad ee sannadkan ka soo hormuuqday guddiga baarlamaanka u qaabilsan dhaqangelinta dastuurka ayaa sheegay in muddo hal bil gudaheed ah la soo saarayo warbixin hordhac ah oo ku saabsan tirakoobka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *