14 ka mid ah dadka dhaliila dowlada Cambodia oo xabsiga laga siidaayay

Dowlada Cambodia ayaa lagu soo waramayaa inay xabsiga ka siidaysay 14 qof oo ka mid ah dadka dhaliila hoggaankeeda siyaasasadeed.
Qaar ka mid ah falanqeyaasha siyaasadeed ayaa tallabada ay qaaday xukuumada ra’iisul wasaare Hun Sen ku tilmaamay mid looga gol leeyahay in lagu yareeyo dhaleeceeynta uga timid dalalka caalamka kadib doorashadii dhacday bishii hore.
Dadka la siidaayay ayaa dhamaantood waxay ka tirsanyihiin garabka mucaaradka ee la kala diray ee (CNRP) waxayna ku jireen xasbi ku yaalo caasimadda wadankaasi ee Phnom Penh.
Sannadkii 2014-kii ayay ahayd markii lagu eedeyay qalalaaso kadib markii ay isku dayeen inay dib u furaan goob dibadbaxyada lagu dhigo oo loo yaqaano “Freedom Park”.
Bishii Toddobaad ee isla sannadkaasi ayaa lagu riday xukuno xabsi oo u dhexeya 7 ilaa iyo 20 sano.
Ra’iisul wasaaraha Cambodia Hun Sen ayaa tan iyo 17-kii bishan sideedaad codsaday in cafis loo fidiyo 23 qof oo maxaabiis ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *