AMISOM oo dhamaystirtay ka bixitaankeeda Stadium Muqdisho.

Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Talaadada Maanta ah waxay dhamaystireen ka bixitaankooda Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho Stadium oo ku yaalada Degmada Wartanabadda ee gobolka Banaadir.
Muuqaalo kooban iyo sawirro la soo qaaday ayaa muujinayay ciidamada AMISOM qaybtii ugu dambeysay oo agabyadooda ku raranayay gaadiidka Ciidamada xambaara.
Arrintan waxa ay ka dambeysay kadib markii shalay AMSIOM ay garoonka ku wareejisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo kormeer ku tagay halkaasi.
kadib 7 sano oo AMISOM ay daganaayeen garoonka Stadium Muqdisho, saakay waxaa isugu yimid dadweyne Fara badan oo ka kala yimid degmooyin ka mid ah Caasimada Muqdisho, waxayna soo dhaweynayen tallaabada ciidamada Midowga Africa ay isaga guureen mid ka mid ah garoomadii ugu baaxada weynaa dalalka ku yaalada Geeska Africa.
Sawiro laga soo qaaday dadkan saakay isugu tagay garoonka ayaa muujinaya iyaga oo ku dabaaldegaya qeybaha kala duwan ee garoonka uu ka kooban yahay, maadaama baaxadiisu ay tahay mid aad u weyn.
Dowladda federaalka Soomaaliya oo arrintaan ay Talaabo wanaagsan kaga dhigan tahay ayaa qorshaynaysa inay dib u dhis balaadhan ku samayso Garoonka waxaana dhismihiisa lagu wareejinayaa shirkad laga leeyahay dalka China oo dayactiri doonta Garoonkaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *