Colombia oo isaga baxaeysa dallada UNASUR

Madaxweynaha wadanka Colombia, Ivan Duque ayaa shaaciyay in dalkiisa uu isaga baxayo midowga wadamada ku yaalo koonfurta Maraykanka ee (UNASUR).
Ururkan ayaa la soo dhisay 10 sano ka hor waxaana looga gol lahaa in lagu hor istaago saameynta Maraykanka uu ku yeelan karo gobolkaasi.
Mr.Duque ayaa midowgan ku eedeyay inuu la safanayo hoggaanka wadanka Venezuela oo uu ku tilmaamay mid dikteetarnimo ku saleysan.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in muddo 6 bilood gudahood ah ay isaga baxayaan UNASUR.
Hadalka madaxweynaha Colombia ayaa imaanaya kadib markii wadamada Argentina, Brazil, Chile, Peru, iyo Paraguay ay bishii afaraad hakad geliyeen ka mid ahaanshaha hay’addas oo ka kooban 12 xubnood.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *