DHAGEYSO Amniga xunta baarlamaanka Soomaaliya oo laga hadlayo.

Gudoonka Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay inay saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay kala hadlayaan xaqiijinta amaanka xarunta baarlamaanka Soomaaliya ka hor inta uusan furmin Kalfadhiga afraad iyo inta lagu guda jira.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahada Cabdalla Cawada ayaa sheegay in ka hor furitaanka kalfadhiga afraad ee golaha shacabka Soomaaliya ay la kulmayaan saraakiisha u xil saaran sugida amniga xarunta baarlamaanka si loo adkeeyo nabad galyada xauntaasi.
Cod
10 bisha September ee nagu soo aadan ayuu qorshuhu yahay in madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu si rasmi ah u furo Kalfadhiga afraad ee golaaha shacabka Soomaaliya waxaana hada socda diyaar garowga kulanka Baarlamaanka iyo sugida amaanka xarunta golaha sahcbiga

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *