DHAGEYSO Dowlad degaanka Nairobi oo faahfaahisay shuruucda la xiriirta gaadiidka dhugdhugleyda

Ismaamulka Nairobi ayaa sheegay inuu weli shaqeynaya amarkii wadayaasha mootooyinka looga mamnuucay inay gudaha u galaan bartamaha caasimadda dalka.
Tallabadan ayaa ah mid looga gol leeyahay in lagu fududeeyo ciriirka dhanka isku socodka baabuurta sido kalena lagu yareeyp falal dambiyeedyada qaar ka mid ah ganacsatada dhugdhugleyda lagu eedeyo inay ka qeyb qaataan.
Maxamad Axmad Dhaqane oo ah wasiirka wasaaradda gaadiidka ee ismaamulka Nairobi ayaa sheegay in mudnaanta koowaad la siinayo badqabka shacabka kenyaanka ah gaar ahaan rakaabka.
Waxaa uu intaasi ku daray in wadayaasha mootooyinka mararka qaar aysan u hoggaansamin shuruucda wadooyinka taasina ay keento isku dhacyo kala dhexeya ciidamada maamulka hoose ee Nairobi.
Wasiirka ayaa carrabka ku dhuftay inay ku howlanyihiin in shaaca laga qaado goobaha rasmiga ah ee ay ganacsatadan ka howlgeli karaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *