Kala bar sigaarka lagu isticmaalo gudaha dalka oo lagu sheegay mid sharci darro ah

Agaasime ku xigeenka waaxda adeega dadweynaha ee dalka Mr. Wanyama Musiambo ayaa sheegay in sigaarka lagu isticmaalo gudaha wadanka kala barkiisu uu yahay mid kontarabaan ah.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in sigaarka qaar uusan lahayn waxyaabaha macluumaadkoodu lagu xusay baakitka uu ku jiro.
Mr.Musiambo ayaa intaasi ku daray inay howlgalo sameyeen kadib markii ay heleen xog la xiriirta sirdoonka.
Mas’uulkan aya sheegay in sigaarka badankiisu gaar ahaan kuwo laguq abtay xuduuda wadanka taya ahaan uusan wanaagsanayn.
Ismaamulada uu carrabaabay ku xigeenka madaxa waaxda adeega dadweynaha ee dalka ayaa waxaa ka mid ah Bungoma, Trans Nzoia, Nakuru, Uasin Gishu, Kisumu iyo Busia .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *