Madaxweynaha dalka  iyo dhigiisa Maraykanka oo ka wadahadlay ganacsiga iyo amniga

Hoggaamiyaha dalka Uhuru Kenyatta oo shalay aqalka cad ee Maraykanka kula kulmay dhigiisa wadankaasi   Donald Trump  ayaa waxay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin  sida  labada dal ay isaga kaashan  karaan arrimaha ganacsiga iyo amniga.

Waxay si gaar ah diiradda u saareen  xoojinta cilaqaadka ka dhexeya Kenya iyo Maraykanka   ee dhanka ganacsiga iyo dalxiiska ah  iyadoo dhanka kale   la wanaajinayo  amniga geeska Afrika.

Mr. Kenyatta  , madaxweynaha dalka  dalka ayaa sheegay in Maraykanku uu yahay saaxiib dhow  oo  gacan weyn ka geystay la dagaalanka  falalka argagixisada.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray  inuu Maraykanka kala dhexeyo xiriir  soo jireen ah  oo ku aaddan wax ka qabashada arrimaha amniga iyo gaashaan dhigga, wafdiga uu hoggaminayana ay halkaasi u joogaan in sido kale  sara loo sii qaado  ganacsiga iyo maalgashiga.

Mr. Donald Trump, madaxweynaha  Maraykanka   ayaa dhigiisa  Kenya  uga mahadceliyay inuu aqbalay casuumaadii uu u fidiyay.

Labadan mas’uul ayaa sido kale isla soo hadal qaaday faaiidada laga dhaxlayo  in laga bilaabo bisha tobnaad ee sannadkan  diyaaradaha  shirkadda duulimaadyada ee Kenya Airways ay si toos ah ugu kala gooshaan magaalooyinka  Nairobi iyo   New York.

Madaxweynaha  dalka  ,Uhuru Kenyatta ayaa sido kale goob joog ka ahaa  heshiis  la wada saxiixday  oo Maraykanka uu gudaha dalka ka sameynaya maalgashiga ku kacaya dhaqaale  gaaraya  238 milyan oo doolar  una dhiganta  23 bilyan oo shilin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *