Neymar oo ku tilmaamay arin xanuun badan hadii uu ka hor imaado Barcelona mustaqbalka

Laacibkii hore ee kooxda Barcelona ee Neymar Jr ayaa sheegay in hadii ay dhacdo in ay kulan isaga horyimaadaan kooxdiisii hore ee Barcelona ay ku noqon doonto xaalad aad u xanuun badan.
“Aad ayay iigu adkaan doontaa inaan ku wajaho Barcelona tartanka Champions League”.
Neymar Jr ayaa shaley markale booqday xerada tababarka ee kooxda Barcelona halkasoo saaxibadiisi hore ay ugu diyaar garoobayeen kulankooda saddexaad ee horyaalka La Liga.
Wargeysyada laga leeyahay dalalka Spain iyo France ayaa shaley sheegay in laacibkii hore ee Barcelona ee Neymar Jr uu ku sugan yahay dalka Spain.
Neymar ayaa halkaasi u joogaa inuu sameeyo xayeesiino ganacsi

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *