Pakistan oo dhaliishay tartan loogu jiro in lagu dhaawaco sumcadda nabi Maxamad

Xubnaha aqalka sare ee dalka Pakistan ayaa si aqlabiyad leh u cambareeyay tartan looga dhawaaqay wadanka Netherlands oo lagu doonayo in wax loogu dhimo sumacadda nabi Maxamad naxariis iyo nabadgalyo dushiisa ha ahaate.
Tartankaasi ayay wararku sheegayaan inuu soo qorsheeyay siyaasi ka tirsan xisbiga midigta fog ee mucaaradka Geert Wilders.
Waxaa uu siyaasigan guda galay dadaal uu ugu jiro in dabayaaqada sannadkan uu wadanka Netherlands ka dhaco tartan loo galayo in la soo bandhigo sawir gacmeed lagu matalayo nabiga.
Ra’iisul wasaaraha dhawaan la doortay ee Pakistan , Cimran Khan ayaa tallabadaasi ku tilmaamay qadhaf iyo xadgudub ka dhan ah diinta islaamka.
Waxaa uu wacad ku maray inuu bisha sagalaad ee sannadkan uu golaha guud ee qaramada midoobay u gudbinayo dacwad tallabadaasi ka dhan ah.
Waxaa uu ku sheegay inay tahay mid dunida islaamka ay ka gaabisay in laga hortago.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *