Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska oo safar ku imaanaysa dalka

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska  Theresa May ayaa lagu wadaa inay toddobaadkan gudihiisa wadanka ku timaado booqasho taarikhi ah.

Theresa May oo Kenya imaanaysa maalinka khamiista ah  taarikhduna ay tahay   30-ka bishan sideedaad ayaa noqonaysa mas’uulkii ugu horeeyay ee xilkaasi haya   oo safar rasmi ah ku imaado dalka muddo 30 sano ah.

Sannadkii 2016-kii ayay ahayd markii la sheegay in  ra’iisul wasaarihii hore ee ingiriiska  David Cameron uu dalka imaanaya  in kastoo qorsahahaasi markii dambe   meesha laga saaray.

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa  la filaya inuu ku soo dhaweeyo  madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House.

Waxay  kulankooda diiradda ku saari doonaan  xoojinta iskaashiga  dhinacyada badan ah ee  ka dhexeya Kenya iyo ingiriiska.

Kulankan dhex maraya Mr. Kenyatta iyo Mrs. May ayaa noqonaya midkii afaraad maadama ay kulmeen bishii shanaad ee sannadkii 2017-kii  xiligaasi oo magaalada London lagu qabtay  shir ku saabsanaa arrimaha soomaaliya , waxay sido kale martiqaaday  bishii afaraad ee sannadkan  iyagoo sido kale isku arkay kulamadii  wadamada ugu horeeya caalamka dhanka warshadaha ee loo yaqaano  G7.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *