5 ka mid ah ciidamada difaaca dalka oo ku dhimatay weerar ka dhacay Lamu

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta ayaa sheegaya in weerar halkaasi ka dhacay ay ku dhinteen 5 sarkaal oo ka tirsan ciidamada difaaca ee KDF-ta.
Baabuur ay saarnayeen ayay la qaraxday miinada dhulka lagu aaso xili uu marayay wadada isku xirta Kiunga iyo Sankuri .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarkan oo dhacay 8-dii subaxnimo ee saaka ay ku dhaawacmeen 10 sarkaal oo kale.
Afhayeenka ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta Paul Njuguna ayaa sheegay in ciidamada xiligii la weerarayay ay ku guda jireen howlo bani’aadanimo.
Shacabka ku nool ismaamulkasi ayuu ugu baaqay inay laamaha amaanka kala shaqeyaan sidii loola dagaalami lahaa kooxaha dhacdooyinkaasi geysta.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *