DHAGEYSO Jubaland oo digniin u dirtay dadka waraaqaha Been abuurka ah sameeya.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee maamulka Jubbaland ayaa digniin waxaa loogu diray shaqsiyaad la sheegay inay ku sugan yihiin deegaanada maamulkaas ayna ku howlan yihiin samaynta warqado dowladeed oo been abuur ah.
Wareegtada waxaa gabi ahaanba lagu mamnuucay Sameynta Warqadaha been abuurka ah,shaqsiyaadka ku howlana waxaa lo sheegay inay ciqaab amri doonaan hadii aysna ka waantoobin waxyaabaha ay ku howlan yihiin.
Xeer Ilaaliyaha Jubaland oo warbaahinta la hadlay ayaa uga digayo dadka falalkaas ku howlan asagoo sheegey in haddii lagu qabto la marsiin doono xeerka ciqaabta Soomaaliyeed aysana jiri doonin cid marmarsiinyo laga aqbali doono.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *