Ku dhawaad 10 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Nairobi iyo Nakuru

Wararka naga soo gaaraya goobta loo yaqaano Kimende ee ku taalo wadada weyn ee isku xirta ismaamulada Nairobi iyo Nakuru ayaa sheegaya in 9 qof ay ku dhinteen shil halkaasi ka dhacay.
Carruur ayaa ka mid ah dadka shilka ku dhintay halka kuwo kalena ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Abaare 11-kii habeenimo ee xalay ayuu dhacay shilkan oo u dhexeyay nooca baabuurta ee loo yaqaano mataatuuda iyo mid ka mid ah gawaarida xamuulka.
Goob joogayaal ayaa laga soo xigtay in mataatuuda ay ku wajahnayd Nakuru ka hor inta aysan ku dhicin looriga oo u soo jeeday Nairobi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 6 qof ay isla goobta ku dhinteen halka saddexda kalena ay naftu daysay iyagoo lagu dabiibaya isbitaalka Kijabe .
Dhanka kale waxaa uu galinkii dambe ee shalay shil ka dhacay ismaamulka Kericho kadib markii mid ka mid ah baabuurta xamuulka uu wadada ka baxay.
Waxaa halkaasi ku dhintay 4 qof, 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Taliyaha booliska ee dowlad degaanka Kericho ,James Mugera ayaa sheegay in gaariga shilka galay uu jiiray saddex qof oo marayay agagaarka wadada u dhexeysa degmooyinka Roret iyo Sigowet .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *