Ku xigeenka madaxa cadaalada oo iska difaacaysa eedeymo loo soo jeediyay

Waxaa maanta maxkamada dib ugu laabanaya qareenada u doodaya ku xigeenka madaxa cadaalada ee dalka Mrs. Philomena Mwilu oo shalay galinkii dambe la xiray kadib markii lagu eedeyay musuqmaasuq.
Waxyaabaha lagu soo oogay waxaa ka mid ah inaysan canshuur bixin, inay saameyn ku yeelatay kiis ka socday maxkamad ay ka howlgaleysay si ay shakhsi ahaan uga faaiido.
Shalay ayay ahayd markii maxkamada la geeyay oo ay ka soo hormuuqatay garsoore lagu magacaabo Lawrence Mugambi.
Xaakinka ayaa sheegay in xili dambe ay tahay sidaasi awgeedna dhageysiga waxyaabaha loo haysto uu maanta u dib dhigayo.
Hasa ahaate waxaa markaasi lagu siidaayay damiin lacageed oo ah 5 milyan oo shilin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *