Madaxweynaha dalka oo dib u soo laabtay kadib safar uu Maraykanka ku tagay

Hoggaamiyaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa galinkii dambe ee shalay wadanka dib ugu soo laabtay kadib safar maalmo qaatay oo uu ku joogay Maraykanka.
Bayaan ka soo baxay qeybta isgaarsiinta ee madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ayaa kulankii dhex maray Mr. Kenyatta iyo Mr. Donald Trump lagu tilmaamay mid lagu guuleystay oo taarikhi ah.
Diyaaradii sidday madaxweynaha dalka iyo marwada koowaad Mrs. Margaret Kenyatta ayaa daqiiqado ka hor 9-kii fiidnimo ee xalay ka soo caga dhigatay gagida caalamiga ee diyaradaha ee JKIA ee magaaladatani Nairobi.
Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka dalka Mr.William Ruto, madaxa ciidamada difaaca Samson Mwathethe iyo sarakiil sar sare oo ka tirsan dowlada.
Waxyaabaha ay Mr. Trump iyo Mr. Kenyatta wadahadaladooda diiradda ku saareen waxaa ka mid ahaa ganacsiga, maalgashiga iyo amniga.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *