Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka soomaalida Itoobiya oo maxkamad la soo taagay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in maxkamada la soo taagay madaxweynihii hore ee dowladd deegaanka Soomalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulkiisa.
Isaga iyo eedeysanayaasha kale ayaa loo haystaa xadgudub ka dhan ah xuquuqul aadanaha.
27-kii bishan ayaa Cabdi Maxamuud Cumar laga qabtay guri ku yaalo Addis Ababa.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmad oo maalmo ka hor wax laga weydiiyay aya sheegay inay arrimhiisa iyo tallabada laga qaadayo ay tahay mid u taallo sharciga wadankaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *