Myanmar oo ku gacan seyrtay inay xasuuqday bulshada Rohingya

Afhayeen u hadlay dowlada Myanmar ayaa gaashaanka u daruuray warbixin ay soo saartay qaramada midoobay oo lagu soo jeediyay in sarakiisha sar sare ee militariga wadankaasi la doonayo in lagula xisaabtamo xasuuq ay u geysteen bulshada muslimiinta ah ee laga tirada badanyhay ee Rohingya.
Zaw Htay, ayaa ku doodaya in beesha caalamka ay Myanmar ku eedeysay arrimo waxba kama jiraan ah.
Hadalka mas’uulkan ayaa imaanaya iyadoo muddo hal sano ah iyo maalmo ay ka soo wareegatay howlgaladii laga fuliyay gobolka Rakhine.
Tan iyo 25-kii bishii sideedaad ee sannadkii hore waxaa gobolka Rakhine ee wadanka Myanmar ka cararay ugu yaraan 750 , 000 oo qof.
Militariga dalkaasi ayaa waday howlgallo qaramada midoobay ay ku tilmaantay isir sifeyn qaabeysan.
Sido kale afhayeenka dowlada Myanmar ayaa sheegay inay si cad u soo bandhigayaan mowqifkooda ah inaysan ogolaanayn qaraar ka soo baxay golaha xuquuqul aadanaha ee qaramada midoobay.
Waxaa uu intaasi ku daray in baarayaasha jimciyada qurumaha ka dhexeysa aanan loo fasaxin inay gudaha u galaan Myanmar sidaas awadeedna ay dhinac isaga dhigayaan waxyaabaha ay go’aamisay qaramada midoobay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *