Shirkada Safaricom oo maanta wil somali ah ku abaal marisay guri

Shirkada isgaarsiinta ee safarico ayaa maanta bixisay guri abaal marin ah oo qiimihiisu uu dhanyahay 7 .8 Milyan oo shillinka dalka .

Gurikaasi ayaa waxaa la gudoonsiiyay wil Somali ah oo lagu magacaabo Cumar Xassan Muxumud kana mid ahaa dadka ku nool xafadatan Islii ee Nairobi isagoona ka soo jeeda ismaamulka Mandera ee gobolka waqooyi bari dalka.

Mudooyiinkii u dambeeysay shirkada Safaricom ayaa bixinaysay guriyo iyo abaalmarino kale ka dib markii ay macaamisheeda si isdaba joog ah u isticmaalaan Mpesa-da iyadoo qofka loo eegayo buundooyiinka ama dhibcaha inta ay adeegsadey ama isticmaaley Mpesaada.

Wilkan soomaliga ah oo ku guulaysaty abaalmarintan ayaa dareenkiisa u soo bandhigay idaacada Star Fm.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *