Ciidamada Israa’iil oo xiray 16 falastiiniyiin ah

Ciidamada israa’iil ayaa lagu soo waramayaa inay 16 qof oo Falastiiniyiin ah ay xireen kadib markii xalay ay howlgalo dhanka amniga ah ay ka fuliyeen daanta galbeed
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday bayaan uu maanta oo khamiis ah soo saaray militariga Israa’iil.
Dadkan iyaga ah ayaa lagu eedeynaya inay ku lug leeyihiin falal argagixiso in kastoo aanan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.
Dowlada Falastiin ayaa sheegtay in 6,500 oo ka mid ah muwaadiniinteeda ay ku jiraan xabsiyada ku yaallo israa’iil waxaana ka mid ah haween, carruur gaaraya 350 iyo 6 sharci dejiyaal ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *