DEG DEG:Theresa May oo soo gaartay magaalda Nairobi oo booqasho rasmi uga bilaabatay.

Ra’iisul wasaaraha wadanka ingiriiska Theresa May ayaa soo gaartay Magaalada Nairobi muddo 30 sano kadib.
Mrs May ayaa garoonka caalamiga ee Jomo Kenyatta kaga soo caga dhigatay diyaarada ciidamada cirka ee Voyager oo ay ka soo raacday magaalada Lagos ee wadanka Nigeria 6:30 arrornimo.
Waxaa safarkeeda ku wehelinayaa ganacsatayaal iyo malgashatayaal doonaya inay heshiisyo la galaan Kenya iyo Africa inteeda kale.
Ra’iisul wasaare May ayaa lagu wadaa inay shir jaraa`id oo wada jir ah la yeelato madaxweyne Uhuru abaare 11: barqanimo.
Sidoo kale Mrs May ayaa la kulmi doontaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ka hor inta aysan booqanin ciidamadeeda ku sugan wadanka iyo dugsiyada ganacsiga.
Kulankeeda Uhuru ayaa soo afjaraya booqashadeeda qaarada Africa.
“Waxaan ku faanayaa inaan hogaamiyo safarkan geesinimada leh ee Afrika iyo inaan noqodo ra’iisul-wasaarahii ugu horreeyay ee UK oo muddo ka badan 30 sano soo booqdo Kenya,” waxaa sidaasi yiri Ra’iisul wasaaraha ingiriiska Theresa May.
Theresa May ayaa maalnkii talaadada booqatay wadanka South Africa halka maalinkii arbacdana ay booqatay wadanka Nigeria.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *