DHAGEYSO Madaxweynaha dalka iyo ra’iisul wasaaraha ingiriiska oo kulan qaatay

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ee magaaladatani Nairobi ku soo dhaweeyay waqfdi ay hoggaaminayso ra’iisul wasaaraha ingiriiska Mrs. Theresa May.
Theresa May oo soo martay wadamada Koonfur Afrika iyo Nigeriya ayaa tagtay xarunta madaxtooyada abaare 11.15 ee saaka.
Waxaa sido kale halkaasi ku sugnaa madaxweyne ku xigeenka dalka Mr. Willaim Ruto, wasiiro ay ka mid yihiin Dr. Monica Juma oo ah wasiiradda arrimaha dibadda, Najib Balala, wasiirka wasaaradda dalxiiska, iyo Raychelle Omamo oo ah wasiiradda wasaradda gaashaandhigga.
Waa markii ugu horeysay muddo 30 sano ah oo ra’iisul wasaare ka socdo ingiriiska uu Kenya imaado taasi oo safarka May ka dhigeysa mid taarikhi ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *