Ganacsato soomali ah oo boob loogu geystay wadanka Koonfur Africa

Ganacsato badan oo Soomaali ay ka mid yihiin ayaa ku hanta-beellay boob aan loo kala harin oo burcad South African ah iyo dad dan-yar ah ku qaadeen goobaha ganacsiga xaafadda Soweto magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Africa.

Ibraahin Aadan oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee hanti-dooda lagu Boobay Soweto ayaa sheegay in labo tukaan oo uu lahaa la qaatay gabi ahaanba wixii hantidi ahaan ee uu yaalay, isagana uu lafahiisa kala baxsaday.

Xaafadda uu boob-kani ka dhacay ee Soweto ayuu ku tilmaamay in ay tahay mid ka mid ah xarumaha ganacsiga ee ugu weyn caalamka, waxaana ku uruursan ganacsatada ajaanibta ee ugu badan dalka Koonfur Africa.

Ciidamada Booliiska ayuu sheegay in aysan ka qaadin boob-ka lagula kacayo ganacsatada tallaabadii loo baahnaa kaddib markii ay war-galiyeen weerarka lagu hayo dukaamadooda.

Intii ay rabshadahanni socdeen waxaa goobta ku dhintay nin dhalinyaro South African ah oo ka mid ahaa dadkii boobka geysanayay, waxaana dilay sida la sheegay ganacsade Soomaaliyeed oo uu isku dayay in uu boobo dukaankiisa.

Dadka boobka uu sida weyn u sameeyay ayaa ah ganacsatada u dhalatay dalalka Itoobiya, Pakistan iyo Bangladesh, halka ganacsatada Soomaaliyeed bilaabeen in ay is difaacaan iyaga oo la soo baxay hub

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *