Guardiola oo shaki galiyay mustaqbalka Sterling

Macalinka kkoxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa shaki galiyay mustaqbalka Raheem Sterling ee City.
Laacibkan oo 23 jir ah ayaa la shegayaa inuu xiiseenayo tijaabinta horyaal cusub, xili lala xiriirinayo kooxda Real Madrid.
Tababare Guardiola ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Sun ee dalka ingiriiska ku sheegay inuu xiiseenayo in laacibka reer England uu kusii sugnaado garoonka Etihad Stadium.
Pep Guardiola ayaa hadaladiisi sida tan u dhacay
Waan ku faraxsanahay inuu halkan nagula sugnaado Raheem Sterling, waxaana dhamaantayada dooneynaa inuu nala sii joogo”.
Kooxda waxay isku dayi doontaa inay heshiis cusub ka saxiixato, laakiin ilaa iyo haatan ma jiraan wax xaqiiqo ah, mana jiraan wax heshiis ah ee dhacay, laakiin wakiilkiisa iyo isaga way ka war qabaan inaan dooneyno inuu nala sii joogo”.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *