Guddiga EACC oo xiray ugu yaraan 7 sarkaal oo loo haysto fadeexadda galeeyda

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa maanta xabsiga u taxaabay ilaa iyo 7 sarkaal oo lagu eedeynayo inay sameyeen lunsasho lacageed.
Saaka ayaa la xiray xoghayaha wasaaradda beeraha, xoolaha iyo kallumeysiga Dr. Richard Lesiyampe iyo maamulaha maaliyadda ee waaxda dowlada dhexe u qaabilsan keydinta dhallaga ee NCPB, Mr. Cornel Kiprotich Ng’elechey sida lagu sheegay qoraal uu guddiga EACC soo dhigay bartiisa Twitarka.
Guddigan ayaa intaasi ku daray in sido kale la raadinayo ilaa iyo 15 ka mid ah sarakiisha sar sare ee waaxdaasi.
Hasa ahaate saacado kadib waxaa la xiray 5 sarkaal oo dheeraad ah.
Tallabada lagu xiray xoghayaha iyo mas’uulka kale ayaa timid kadib amar ka soo baxay agaasimaha waaxda dacwad oogidda ee dalka Nuurdiin Xaaji.
Labada sarkaal ee la qabtay ayaa la filaya in la soo taago maxkamada dhageysata kiisaska ku aaddan la dagaalanka musuqmaasuqa ee magaaladatani Nairobi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *