Iran oo wacad ku martay in ay ka baxayso heshiiska nukliyeerka

Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Aayatullaah Cali Khamenei ayaa soo saaray digniin cusub oo ku saabsan heshiiskii nukliyeerka ee sannadkii 2015-kii.
Waxaa uu sheegay in uu diyaar u yahay in dalkiisu ka baxo heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka hadii aysan dani ugu jirin iiraan.
Dowlada iiraan ayaa xiligaasi heshiiska la saxiixatay qaar ka mid ah wadamada ugu awoodda badan caalamka.
Waxaa la isku afgartay inay joojiso barnaamijkeeda hubka nukliyeerka si looga qaado xayiraad saarnayd.
Hasa ahaate Maraykanka oo dhaliilay aya bishii shanaad ee sannadkan isaga baxay heshiiskaasi.
Dhanka kale hanjabaadda ka soo yeertay hoggaanka iiraan ayaa imaanaysa iyadoo maxkamada caalamiga ee cadaaladda ee ICJ ay ka socoto dacwad ay u gudbisay xukuumada Tehran oo ka dhan ah Maraykanka.
Aayatullaah Cali Khamenei ayaa sido kale sheegay in Iran aanay rajadeeda ku xiri doonin dadaallada wadamada reer galbeedka wadaan ee ay ku doonayaan in lagu badbaadiyo heshiiskaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *