Ku dhawaad 10 qof oo lagu dilay Nigeriya

Dabley hubeysan ayaa lagu soo waramayaa inay bartamaha wadanka Nigeriya ay ku dieen ugu yaraan 8 qof halka saddex kalena ay dhaawacmeen.
Sarakiisha booliska ee dalkaasi ayaa sheegay in galinkii dambe ee shalay weerar lagu qaaday laba tuuloo oo ku yaalo gobolka buuraleyda ah ee Plateau .
Afhayeenka ciidamada booliska ee gobolkaasi Terna Tyopev, ayaa tuulooyinka la weeraray magacyadoodu ku kala sheegay Abonong iyo Zayit .
Waxaa sido kale halkaasi dab lagu qabadsiiyay oo burburay 95 guriyo ah iyadoo la dhacay 310 neef oo lo’o ah.
Afhayeenka ayaa sido kale sheegay in la boobay hantida dadweynaha ku nool tuulooyinkaais.
Taliska booliska ee degaankaasi ayaa goobaha ay dhibaatooyinkaasi ka dhaceen geeyay ciidamo dheeraad ah si looga hortago falal kale oo amniga liddi ku ah iyadoo dhanka kale la guda galay baaritano la xiriira.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *