Madaxweynaha oo sheegay in Raila uusan hayn xil qaran

Hoggaamiyaha ugu sareeya dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo wareysi gaar ah siiyay telefhisinka BBC ayaa sheegay inaysan jirin qil qaran oo loo magacaabay ama uu hayo madaxa mucaaradka Nasa Raila Odinga.
Mr. Kenyatta ayaaa sheegay in kastoo isaga iyo Mr. Odinga ay kulmeen 9-kii bishii saddexaad ee sannadkan waxyaabo badana ay ku heshiyeen haddan uusan tixgelin karin codsiyo loo jeediyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in wadanka uu ku dhaqmo dastuurka u degsan sidaasi awgeedna in xil cusub la soo dhiso ay tahay mid sharciga lidii ku ah.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta garabka mucaaradka ee Nasa ayaa ku baaqay in isbedel lagu sameeyo dastuurka .
Waxaa sido kale jiray hadal hayn ah in Raila laga dhigayo ergeyga gaarka ah ee Kenya u qaabilsan dhanka nabadda.
Hasa ahaate madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in sharci ahaan dhamaan arrimahaasi aysan suurtagal ahayn.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *