Madaxweynihii hore Soomaaliya Xassan Sheikh oo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan la hadal hayay imaanshiyihiisa magaalada Muqdisho ayaa saakay ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Caasomada Muqdisho.
Dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa madaxweynihii hore waxay ugu tala gashay habmaamuus uu heerkiisu sareeyo in lagu soo dhaweeyo kadib Soo laabashadiisa,Waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Guddi ay u xilsaartay dowladda oo uu horkacaya Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaano iyo masuuliyiin horey xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii Soomaaliy.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sababta safarkiisa Muqdisho waxaa lagu sheegay sidii uu ugu dhawaaqi lahaa xisbi siyaasadeed oo isaga uu hoggaamiye ka noqon doono oo ka qayb qaadanaya doorashada lagu wado inay dalka Soomaaliya ka dhacdo dhamaadka Sanadka 2020-ka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud hada waxa uu ka mid yahay Baarlamaanka Soomaaliya wuxuuna dalka ka maqnaa ilaa iyo markii ay horaantii sanadkii hore ee 2017-ka Soomaaliya ka dhacday doorashada madaxtinimada oo isaga looga guulaystay,Waxaana uu deegaan u yahay kuna sugnaa ilaa xiligaas dalka Turkiga.
Imaanshaha xasan sheikh Maxamuud yaa ku soo aadaya ayadoo 10-ka bisha soo socota lagu wada inuu magaalada Muqdisho ka furmo kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabiga Soomaaliya maadaama dhawaan xildhibaanada lagu wargaliyay inay dalka soo xaadiraan Xassan Sheikhna uu ka mid yahay baarlamaanka Soomaaliya wallow intii uu xubinta ka ahaa uusan ka qayb galin fadhiyadii hore ee baarlamaanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *