Xoghayaha wasaaradda beeraha oo la xiray

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitarka ku sheegay in sarakiil ka tirsan ay xabsiga u taxabeen xoghayaha wasaaradda beeraha, xoolaha iyo kallumeysiga ee dalka Dr. Richard Lesiyampe iyo maamulaha maaliyadda ee waaxda dowlada dhexe u qaabilsan keydinta dhallaga ee NCPB, Mr. Cornel Kiprotich Ng’elechey.
Guddigan ayaa intaasi ku daray in sido kale la raadinayo ilaa iyo 15 ka mid ah sarakiisha sar sare ee waaxdaasi.
Tallabada lagu xiray xoghayaha iyo mas’uulka kale ayaa timid kadib amar ka soo baxay agaasimaha waaxda dacwad oogidda ee dalka Nuurdiin Xaaji.
Labada sarkaal ee la qabtay ayaa la filaya in la soo taago maxkamada dhageysata kiisaska ku aaddan la dagaalanka musuqmaasuqa ee magaaladatani Nairobi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *