DHAGEYSO Xukuumada Soomaaliya oo maanta olole Nadaafadeed ka samaysay Stadium Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo hogaaminaya golihiisa wasiirada ayaa maanta waxay olole nadaafadeed ka sameeyeen garoonka kubadda Cagta Stadium Muqdisho oo maalmo ka hore ay ka guureen ciidamada midowga Africa ee AMISOM.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay boqolaal ka mid ah shacabkii ka qaybqaadanayay nadiifinta garoonka ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka go’antahay dib u dhiska xarumaha dowlada wuxuuna saacad kastana ay shaqaynayaan si ay ugu guulaystaan soo celinta sharkii Soomaaliya,shacabka ayuuna ka codsaday inay ka qayb qaataan dhismaha dalkooda sidoo kalena ay ka hortagaan dadka dowladnimada Soomaaliya ka soo hor jeeda isagoona u sheegay inaysan jirin cid kale oo laga sugayo dhismaha garoonkaan balse shacabka iyo dowladoodu ay ka shaqayn doonaan.

Wasiirada wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan Eng Yarisow ayaa waxay sheegeen inay soo celinta stadium Muqdisho ay qayb ka tahay dadaalka ay dowladu ugu jirta hormarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

garoonkaan oo dhawaan ay isaga baxeen ciidamada AMISOM ayaa dowladda Soomaaliya waxaay sheegtay in dayactir deg deg ah ku sameyneyso.
Isbadal ayaa durbadiiba laga dareemayaa Stadium Muqdisho, oo haddii la dayactiro kaalin weyn ka qaadan doona horumarka cayaaraha ee dalka Soomaaliya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *