Hogaamiyaasha Falastiin oo Cambaareeyay Maraykanka

Madaxda wadanka Falastiin ayaa si adag u dhaleeceeyay Mareykanka oo joojiyay dhammaan dhaqaalihii uu siin jiray hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga Falastiyiniinta.

Warbixin qoraal ah oo ay soo saartay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu hakinayo lacagta uu ugu deeqo hay’addaasi Qaramada Midoobey ee qaxootiga Falastiyiniinta ee UNRWA.

Afhayeenka waaxda arrimaha dibada Maraykanka Heather Nauert ayaa sheegtay in maamulka madaxweyne Trump uu qiimeyn ku sameeyay hay’addani isla markaana uu go’aansaday in lacag dheeraad ah aan loogu deeqin qaxootiga Falastiin.

Bishii Janaayo ee sanadkan ayaa Mareykanka waxa uu shaaciyay in uu xayirayo in kabadan kala bar dhaqaalaha uu siin jiray hay’addaasi.

Hay’adda UNRWA ayaa hadda taageerta in kabadan shan milyan oo qof oo ku nool guud ahaan gobolka bariga dhexe, waxa ayna gacan ka geysataa caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada Falastiin.

Mareykanka ayaa boqolkiiba soddon bixiya kharashka hay’addani ay ku hawlgasho, waxaana sanadkii 2016-kii  uu siiyay kharash gaaraya 368 milyan oo doolar.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Heiko Maas ayaa sheegay in dalkiisa uu kordhin doono lacagaha deeqda ee uu siiyo hay’addani maadaama ay dhaqaale xumo soo wajaheyso.

 

Waxaa Qoray: Abdullahi Ahmed Abdullahi

Web Master: Mohamed Issa Hussein

 

Rayigaaga Hoos inoogu soo qor 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *