Muaran ka Taagan Dilkii loo Gaystay Hogaamiyaha Falaagada ee Bariga Dalka Ukrain

Dowlada wadanka Ukraine ayaa lagu eedeeyay dilkii loo gaystay Hoggaamiyaha fallaagada ka hawlgasha bariga dalka Ukraine ee Alexander Zakharchenko.

Hogaamiyahan ayaa lagu dilay qarax isaga oo ku sugnaa maqaaxi ku taala magaalada Donetsk ee dalka Ukraine .

Madaxweynaha Ruushka  Vladimir Putin ayaa dilka hoggaamiyahan ku tilmaamay mid laga xumaado, waxa uuna sheegay in looga golleeyahay in xasillooni darro laga abuuro dalka Ukraine.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka  Ruushka ayaa dilka hoggaamiyahani fallaagada ku eedeysay dowladda dalka Ukraine.

Hase ahaate laamaha ammaanka Ukraine ayaa dilkaasi u aaneeyay muran u dhaxeeya kooxaha falaagada dhexdooda isla markaana Ruushka uu ku lug leeyahay.

Alexander Zakharchenko ayaa ku biiray fallaagada dalkaasi Ukraine  sanadkii 2014-kii.

 

Waxaa Qoray: Abdullahi Ahmed Abdullahi

Web Master: Mohamed Issa Hussein

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *